|
 |
|
|
|
|
 |
C/raxiim Abuukar Axmed
|
Taariikh Nololeedkii Hogaamiyihii Taariikhiga Ahaa Ee Reer Falastiin, Yaasir Carafaat. 1929-2004
Waxaa Maanta ku geeriyoodey magaalada Paris ee Carriga Faransiiska Hogaamiyihii Taariikhiga ahaa reer falastiin Yaasir Carafaat , oo Falastiiniyiinta u arriminayey muddo gaadhaysa 40 sanno, Hadaba waxaan halkan idiinku soo Gudbinaynaa Milicsi Taariikheed oo ku saabsan Noloshii Yaasir Carafaat Iyo Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Carafaat.
Yaasir Carafaat Wuxuu Dhashay Sannadkii 24/08/1929kii wuxuuna ku dhashay magaalada Qaahira ee dalka Masaarida, in kasta oo uu ku caan baxay Yaasir Carafaad Hadana magaciisa dhabta ahi wuxuu ahaa, Maxmed C/raxmaan C/Ra’uuf Al-Qudwaha Al-Xusayni.
Aabihiina wuxuu ahaa Ganacsade ku nool dalka Masar, wuxuuna geeriyooday yaasir Carafaat oo 20 jir ah, bilowgii loolankii Carabta iyo Yuhuuda.
Yaasir Carafaat wuxuu ahaa nin dhalinyarannimadiisii ay soo martay marxalado kala duwan oo la odhan karo dareemo ayey lahaayeen, wuxuuna yarraantiisii ka muuqan jirtay sifooyinka Hogaamiyennimo.
In kasta oo ay ka soo jeedeen Qoyska Yaasir Carafaat Magaalada Barakaysan ee Al-Qudus hadana waxaa laga dareemi jiray in uu Qaahira ku soo koray Lahjadiisa markuu hadlayo , Yaasir, Iyo Naanaystiisa Abu Camaar, wuxuu la baxay xilligii uu ku jiray Jaamacada Qaahira, isaga oo xusuus u dhigay magacaas nin halgaamaa ahaa oo reer Falastiin ahaa oo ingiriiska la dagaalamay.
Yaraantiisii Carafaay waxa uu ku dadaali jiray sidii uu hogaamiye siyaasadeed u noqon lahaa, isaga oo markii hore aad ula dhacay afkaartii Ururkii Islaamiga ahaa ee Ikhwaan al-muslimiinka ee Masar markaa ku xooganaa, hasa yeeshee wuxuu markiiba aaminay halganka hubaysan si Yuhuuda loola dagaalamo, guul daradii carabta ku habsatay sannadkii 1948kii ka dib , xilligaas oo falastiin la kala qaybiyey, israa’iilna dawlada looga dhigay 70% dhulka reer falastiin, xilligaas oo ingiriisku gacanbta ku hayey Falastiin.
Muddo yar ka dib markii Isaraa’iil lagu dhawaaqay ayaa Yaasir Carafaat wuxuu aasaasay Ururka lagu magacaaboo(Fatax), isaga oo la kaashanaya tiro falastiiniyiin ah oo dunida daafaheeda ku kala noolaa.
Waxayna ku bilaabeen in ay ku urursadaan lama degaanka Masar Hubkii dagaalkii labaad ee aduunka ka hadhay ,sida uu yaasir carafaat ku waramay mar arrintaas wax laga weydiiyey.
Yaasir Carafaat wuxuu ahaa nin aftahan ah oo had iyo jeer waxa uu doonayo ku cabbiri jiray usluu qosol ku jiro, sannadkii 1953kii ayuu dhanbaal u qoray Madaxweynihii Dalka Masar ee xilligaas Maxmed Najiib, kaas oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee masar ka dib inqilaabkii ka dhacay 23/07/1952, dhanbaalkaasina wuxuu ahaa mid aad u kooban oo ay ku qorayd(Falastiin Ha ilaawin)
Yaasir Carafaat wuxuu ku biiray ciidamada qalabka sida ee Masar, sanadkii 1956diina wuxuu qaatay xiddigtii ugu horaysay, wuxuuna ka qaybqaatay dagaalkii kenelka suways isla sannadkaas.
Intii uu Yaasir Carafaad ku jiray ciidamada dalka Masar wuxuu kas-baday khibrada aad u balaadhan gaar ahaan dhinaca waxyaalaha qarxa, taas oo markii danbe u sahashay in uu hogaamiyo garabka hubaysan ee ururkii ay sameeyeen ee Fatax, garabkaas oo la odhan jiray (Al-Caasifah), wuxuuna garabkaasi hawshiisa bilaabay sannadkii 1965 waxayna ka weerari jireen Isaar’iil, Urdun , Lubnaan iyo Marinka Qasa oo xilligaas ay gacanta ku haysay Masar.
Dagaalkii Carabta lagu jabiyey sannadkii 1967 ee ay Israa’iil ku qabsatay Qudus, Daanta Galbeed, Marinka Qasa, ka dib ayaa waxa dagaalkii lagu kaliyeey ururka Fatax ee uu Yaasir Carafaat Madaxda ka ahaa, Yaasir Carafaat wuxuu dagaaladaas ku helay magac iyo taageerayaal iyo isaga oo caan noqday, wuxuuna kusii caan garoobay markii uu hogaanka u qabtay dagaalkii isaga iyo Israa’iiliyiinta dhexmaray sanadkii 1968kii Tuulada lagu magacaaabo(Karaama), halkaas oo uu dagaal qadhaadh ku dhexmaray iyaga iyo Isaraa’iil oo dhinac walba uga xoog badnayd.
email
Isreal Maxaa ku kalifay inay ku fekerto Dilka Yaasir Carafaat?
Waxaa bishii ina weydaartay dowlada Izreal aay cadaysatay markii ugu horeysay tan iyo intii aay bilwodeen wadahadaladii falastiiniyiinta iyo yuhuuda 1990. inay ka go,an tahay inay ka takhalusto Yaasir Carafaat, go,aankaan oo wasiirka difaaca uu ku adkeystay in Carafaat qoraxda laga qariyo.
Yaasir Carafaat oo iminka mudo 20 bilood ah ku jira xaruntiisa Ramallah halkaas oo aay Izreal ku go,odoomisay dhaqdhaqaaqiisa.
Hadaba waxaa is weydiin mudan Yaasir Carafaat yuhuudu maxay colaada intaas le,eg ugu haysaa, maxaa sababay cuqdadaan aan dhamaadka lahayn ee mujtamaca yuhuudu iyo dowlada Izreal aay ka qabaan ninkaan cimaadada madaxa ku wata ee aan wax quwad oo uu iskaga caabiyo aan haysan,si aad u ogaato yuhuudu sababta aay ninkaan uga hari la,a yihiin, waxaad ila eegtaa taariikhda ninkaan oo kooban iyo dabeecadihiisa.
Waatan taariikh kooban oo ku saabsan noloshiisa bulshonimo,siyaasadeed,iyo mida qofeed ee hogaamiyahan lagu tilaamo kuwo ugu taarikhda iyo magaca dheer dunida maanta.
Mohammed Abdel-Raouf Arafat As Qudwa al-Hussaeini (Yasser Arafat) waxa uu dhashay 24 August 1929, waxana uu ku dhashay magaalada Qaahira (Cairo)
Carafaat waxaa uu dhashay 1929, hooyadiis waxay dhimatay isagoo jira 4 sano, kadib waxaa uu la noolaa adeerkiis oo deganaa magaalada Qudus,aabihiis iyo walaaliliis waxaay markaas deganaayeen Qaahira Aabihiis waxa uu ahaa ganacsade dharka ka mushtara,aabihiisna waxuu geeriyooday isagoo kurey ah, Carafaat yaraantisii laga soo bilaabo waxuu ahaa nin kaligiis isku tashada, islamarkaana soo barbaarshay naftiisa inkastoo uusan marna ilaaweyn aadna u qadiriyo gacantii iyo xanaanadii uu ka heli jiray yaraantiisii walaashiisa ka weyn Anam taasoo dhawaan markii aay geeriyootay bishii tagtay Carafaat murugodiisa laga arkayay TV-yada,Anam waxay dhashay ninka Falastiniyiinta u fadhiya U.N-ta ee la dhaho Naasir AL-qudwa, Carafaat-na abti ayuu u yahay.
Carafaat waxaa shahaado Engineering ah uu ka qaatay Jaamacada Qaahira,waxaana uu xili hore oo ka mid ah dhalinyaranimadiisa bilaabay inuu xubin firfircoon ka noqdo dhaqdhaqaaqa Falastiniyiinta ee gobonimo doonka .
Carafaat waxaa uu ku jiraa todobaatameeyadii cimrigiisa , waxaa uu Ilaahay ku manaystay caafimaad buuxa,waxaana taas loo tiiriyaa inuusan lahayn wax balwad ah haday ahaan lahayd sigaar, khamri iyo wax kale midna,waxaana la sheegaa inuu aad ugu adag yahay arimaha caafimaadkiisa isagoo aad ula socda miisaankiisa iyo isbedelka caafimaadkiisa, sameeyana jimicsiyo joogto ah, khatartii ugu weyneyd ee ku timid caafimaadkiisa waxay ahayd markii diyaaradu kula dhacday lama degaanka Liibiya xiligaas oo qaliin looga sameeyay dhiig ku furmay madaxa, shilkaas ka dib waxaa la sheegaa in caafimaadkiisa wax iska bedeleen iyadoo lagu arkay daal uusan lahaan jirin,iyo laleemo gashay mishintiisa hoose .Carafaat waxaa uu marar badan beeniyay warar sheegayay inuu dhowr jeer coma galay iyo in awoodiisa aay gabaabsi tahay caafimaad daro awgeed. madaxda falastiiniyiinta qaarkood ayaa ku eedeeyay Izreal inay faafiso warar aan sal lahayn oo ku saabsan hogaamiyahooda caafimaadkiisa.
inkastoo cimri iyo caafimaad daroba ka dabo timid Carafaat weli ma ogola inuu sheego cida uu ugu talagalay inay ka dhaxasho hogaanka falastiin,guud ahaan waxaa la oran karaa carafaat waxuu uu ku noolyahay caafimaad jismi iyo mid miskaxeedba marka la eego dhibka iyo qaxarka siyaasadeed ee uu soo maray.
Carafaat waxaa dadka noloshiisa wax ka qorey oo dhami aay isku raaceen inuu dhamaan noloshiiisa u hibeeyay qadiyada falastiin isagoo ilaaway noloshiisa shakhsiga ahayd, guurka kaliya ee uu guursaday waxuu dhacay 1990,isagoo xiligaas jiray 62 ayuu guursaday Suah oo ah gabadh ka dhalatay qoys hodan ah ,oo Kirishtaan ah degana Ramallah xiligaas waxay jirtay gabadhaasi 34 sano,gabadhaani waxay mudo ka shaqaynaysay xafiiskii Carafaat ku lahaa Tunis xiligii dibad wareega uu ahaa,gabadhaani markii uu guursanayay ayay soo gashay diinta Islaamka,dhawaana waxay xaj u tagtay dhulka barakaysan ee Makka.
Inkastoo oo carafaat uu doobnimo ku qaatay inta badan noloshiisa ayaa hadana guurkiisa waxaa la sheegaa inuusan waxba ka badalin qaabkiisa shaqo iyo jadwal-maalmeedkiisa midna isagoo weli u shaqeeya sidii looga bartay , waqtigiisa oo dhamina waa buuxaa,isagoo aan wax waqti ah u qoyndeyn xaaskiisa iyo gabadhiisa yar midna, waxaa mar laga sheegay xaaskiisa inay tiri gabadheeda aabaheed waxay badiyaa ka aragtaa TV-da iyo sawiradiisa oo aay daawato.
Carafaat waa nin shaqo,waxaana aay dadka yaqaanaa ku tilmaameen inusan xamili karin firaaqada, waxaa laga soo xigtay isagoo ka hadlaya arintaan" markaanan wax aan qabto waayo waxaan dareemaa daal iyo caajis ama niyad-jab"waxaa uu caan ku ahaa ilaa dhalinyarinimadiisii nin firfircoon walaashiisa weyn ayaa ku tilmaantay sidaan" laga bilaabo markii uu kasoo baxay riximka hooyadiis waxuu ahaa hormoodka caruurta xaafada,isagoo u qeybin jirey kooxo islamrkaana ul-u qaadan jirey kuwo ka weecda amaradiisa" Carafaat waxay aay ku tilmaamen dadka barta cilmi-nafsigu inuu yahay "Hyperactive " ama firfircooni xadka dhaaaftay iyo quwad-shaqo oo mucjiso ah. waxaa taas laga akhrisan karaa safarada aan kala go,a lahayn ee uu geli jirey xiligii uu dibada ka joogay dalkiisa.
Carafaat ma ogola in cidina aay u taliso,aad ayuu uga didaa ugana feejigan yahay madaxbanaanidiisa in lagu qabsado waxuu taas isagoo ka hadlaya yiri “ waxaan ahay madaxweyne aan dhul iyo madaxbanAANI midna haysan marka xoriyadeyda iyo madaxbanaanideyga qof ahaaneed ma ogoli in iyadana la igu qabsado”,dabeecadaan ayaa ah miduu ilaa yaraantisii dhaqan u ahayd,,carafaat ma aqbalo in aay cidina ka takhantakhayso afkaartiisa, cidna wax uma oga .xitaa marka laga tago arimaha siyaasada arimahiisa khaaska ah xitaa ma ogola in aay cidi faraha la gasho,tusaale ahaan xaaskiisa ayaa sheegtay inuu sharaabada uu isagu gashado guluusyada uu isagu xirto xitaa marar badan oo aay isku dayday inay ku caawiso inuu ku gacan sayray oo uu ku adkaystay inuu arimihiisa isagu qabsanayo noloshiisa oo dhamina waa sidaas.
Carafaat waxaa uu ku dhaqmaa shaki uu ka qabo cadowga iyo saaxiibada labadaba, isagoo aan arimihiisa cidna gacanta u wada galin,islamarkaana ajendayaashiisa dagaal badiyaa qariya,taas waxaa aad looga dareemaa safaradiisa oo daqiiqada ugu danbeysa ayuu wargeliyaa meesha uu u safrayo,waxaa la sheegaa inuu waardiyaashiisa uu isagu kala habeeyo oo uusan cid ku halayn.
Carafaat waxuu isku arkaa dad badana oo dunidan ku dhaqanina u arkaan inuu yahay sumada halganka reer falastiin, waxuuna taas ku muujiyaa muuqaalkiisa sida labiskiisa iyo duubka wareegsan ee uu caadada ka dhigtay inuu xirto,iyo labiska malateri iyo biskoolada uusan dhigin,marar badan oo waraysiyo lagu waydiiyay waxyaalo xiriira labiskisa carafaat kama bixin jawaab cad,waxuuna sheegaa inuusan waqti u hayn waxyaalahas licib-siqiirka waayo waxuu mashquul ku yahay qadiyada dadkiisa, labiska ciidanka waxuu kumacneeyaa inuu yahay taliyaha xoogaga hubeysan ee reer falastiin,waxaa laga soo xigtay Caraafaat inuu ku yiri Ronald Reagan " Hadaad wadan iyo dhul isiiso diyaar ayaan u ahay inaan suut xirto iyo taay".
Carafaat waxaa uu kaga duwan yahay madaxda aduunka inuusan lahayn wax hiyaawad ah haday noqon lahayd safaro dalxiis iyo tamashle loogu baxo, waxyaalo la akhriyo ama ciyaaro la sameeyo nooceey doonaan ha noqdaane,ma booqdo goobaha cawaysyada , ma daawado filimaanta,ma daawada xitaa meelaha quruxda badan ee dalxiisyada loo tago. waxa kaliya ee uuu akhriyaa waa waxa la xiriira shaqadiisa, waxaa halkaas ka muuqata in Carafaat uu noloshiisa gaarka ahayd ku milay midii caamka ahayd islamarkaana aay kafadii u dhacday in mida caamka aay haraysay tiisii khaaska ahayd.
Carafaat waxaa lagu tilmaama nin sharafta naftiisa aan u ogalayn in la siigeeyo,isagoo aaysan waxba ku ahayn inuu baajiyo howlo waawayn oo siyaasadeed hadii uu arko in sharaftiisa lagu dhaawacayo,wax walba uu qabanayo dareenka iyo xushmada loo hayo , inuu yahay halyeyga falastiin,ruug-cadaa siyaasadeed ee bariga dhexe , waa inaan lagu haysan , haduu uu dareemo mid ka mid koofiyadahaas in aan loo ogoleyn waa ka dhiidhiyaa, isagoo isku dhexyaaciya dhamaan waraaqaha oo dhan .
dabeecadaha ugu layaabka badan Carafaat leeyahay waa inuusan weligiis is-dhiibin wax walba oo ku yimaada,mar walba oo aay la soo gudboonaato duruufo qalafsani waxuu kusii dhegaa qadiyadiisa iyo hadafkiisa weyn,isagoo la jaanqaada waayaha iyo waciyaga,waxaa uu ka badbaaday masiibooyin badan iyo mixnado siyaasadeed oo aan lasoo koobi karin,waxaa uu usoo joogay markii Boqor Xuseenkii Urdun uu soo jafay dhamaan kooxihii reer falastiin ee Urdun ka waday halganka Yuhuuda ay kula jireen,waxaa uu indhaha u hayay markii 1982 aay Izreal cagta marisay xoogagiisu xarumahii aay ku lahaayeen Lubnaan halkaasoo yuhuudu ku xasuuqday Sabra and Shatilla dad gaaraya 5000 oo qof,waxaa uu u ruqaansaday Tuunisiya halkaas qudhigeeda waxuu ka badbaaday shirqoolo dil oo aan xisaab lahayn kuwaasoo uga yimid dhinaca Yuhuuda iyo Kooxo falastiin ah oo siyaasada aay ku kala tageen,waxaa xigay dhul-gariirkii siyaasadeed ee kasoo gaartay tageeradii ee uu u fidiyay Sadaam dagaalkii Khaliijka,midaan oo uu ku waayay dhaqaalihii wadamada khaliijku aay siin jireen Carafaat iyo PLO-diisa, masiiboyinkaas oo dhan iyo kuwa ciidaas ka badan oo lasoo gudboonaaday cimrigiisa siyaasadeed ,kuwaasoo lahubo inay mooraduugi lahaayeen siyaasi ama hogaamiye kale oo kasta mustaqbalkiisa ama xirfadiisa siyaasadeed Carafaat waa kasoo kabtay mid walbana waxuu kasoo baxay isagoo diyaar u ah inuu halgankiisa meeshii ka sii wado, mid walbana waa dabaashay.
Arafat: shacabka reer Falastiin ayaa dhibaatada ugu weyni kasoo gaareysaa dagaalka Guji halkan...
Carafaat waxaa Ilaahay ku manaysto hal-adayg iyo karti uu u leeyahay inuu mar walba hore u ruqaansado, iyo inuu mar walba ku adag yahay himiladiisa weliba si quus-la,aan ah,taasoo ka dhigaysa nin aad u adkaysi badan,isla markaana shacabkiisa mar walba galisa rajo nololeed,iyo yididiilo wanaagsan,waana midaas tan wadooyinka falastiin aaysan marna Carafaat u ilaaweyn..dhaqamadaani waxay u suuragaliyeen ninkaan si walba uu khaladaad iyo mucarad u leeyahay hadana marna inaan cidina ku damaacin inuu yahay Hogaamiyaha reer falastiin guud ahaan,Carafaat waxuu diyaar u yahay inuu u dhinto qadayadiisa,taasoo ka dhigaysa nin aan sinaba uga biqin in dilo “ Naftayda ilaahay baa gacanta ku haya “ ayaa hal-ku dhig u ah,,waxuu badiyaa xusaa dadka reer falastiin ee dhiigooda u hurey qadiyada dhulka barakaysan, isagoo qiiro inta qaado mar walba oo uu soo hadal qaado ku dhaarta inuu wadadooda marayo, waxaa marar badan muraayadaha TV-yada laga arkay Carafaat oo markuu soo hadal qaado mixnada haysata shacabkiisa aay ilmadu soo dhaafto,xitaa Carafaat waxuusan qarsan sida uu ugu raaxaysto qaraxyada naf-hurnimada ah ee ay sameeyaan Xamas iyo Islamic Jihaad iyo weliba xoogaga Al-Fatax waxaa mar laga soo xigtay isagoo leh" waa inaan xurmeynaa nafaha daahirka ah ee u hurey naftooda qadiyada dhulka barakaysan,geesiyaashaas gaar ahaan Yaxya Cayaash,ujeedadeeni waa inaan raacno wadadooda, dhamaanteena waxaan u sharaxanahay inaan nafteena u hurno,una dhimano dhulka barakaysan"
Carafaat waxay ku tilmaamaan dadka darsaa nin ku shaqeeya ahdaaf istiraatiiji ah oo isla markaana aan marna ka weecinin fekerka istiraatiijiyada(Strategic though and long term planing) isagoo ujeedooyinka iyo yoolkiisu aay u cad yihiin,isla markaana si xarfad leh uga faaiideysta dhamaan wadoyinka u furan, waxuu u garaabaa tabartiisa oo xaqiiqada kama boodo, tusaale ahaan markuu waanwaanta nabadeed la galay izreal 1991-kii waxuu xariiqday khadad cascas oo lama dhaafaan ah,kuwaasoo uu diiday inuu sinaba uga gudbo(Caasimadnimada Qudus, soo noqoshada Qaxootiga reer falastiin iwm),carafaat yuhuuda waxuu kula dhaqmaa siyaasad ah inuusan wax la taabtana uga tanaasulin,wax alaale waxii uu xuquuq kasoo dhacsan karana inuu kasoo dhacsado,waxuu qabaa in wadahadalka nabada iyo kacdoonka hubeysani aay iskaabayaan, labaduba aay u adeegayaan soo dhicinta xuquuqda dadkisa,waxuuna dhiirigaliyaa marar badan falalka Xamas si uu cadaadis ugu saaro Yuhuuda miiska wadahadalada,inkastoo sababo diplomaasiyadeed dartood aay suurowdo inuu canbaareeyo falalka lagula kaco yuhuuda hadaba marna kama tago inuu eedo dusha uga tuuro taliska izreal.
Carafaat madaxda carabta badiyaa kuma aamin qabo waayo waxuu aaminsan yahay inay hagradeen qadiyada dadkiisa islamarkaana aay cadow ku fiirsadeen inkastoo uusan wax u dhaama haysan hadana xanuun iyo cuqdad ayuu u qabaa madaxda carbeed weliba kuwa xuduuda la leh dhulka falastiin ee yuhuudu haysato,waxuusan miisaan weyn siin Boqorka Urdun King.Abdalah II, iyo Dr.Bashaar Al-asadka suuriya oo labadaba uu arko wiilal yarayar oo aabayaashood aay siyaasada isku fac ku ahaayeen
Waxaa la sheegaa in ninka kaliya ee madaxweyne carbeed ah ee Yaasir Carafaat saameeya ama uu qadariyaa uu yahay Xusni Mubaaraka Masar, kaasoo uu marar badan dhegta u raariciyo, waxaa kale oo Carafaat caadifad u hayay Sadaam Xuseenkii Ciraaq.
Carafaat waxuu ku dadaalay inuu mowqifka qaloocan ee Maraykan ee ku aadan qadiyada dadkiisa wax ka bedalo kumase guuleysan,waxuu markaas bilaabay inuusan arinta Falastiin iyo Yuhuuda aan U.S kaliya lagu deyn isagoo mar walba door-bida in Yurubta,Qaramada Midoobay ,iyo Ruushka aaysan lugta kala bixin howlaha dhexdhexaadinta taasoo uusan ka daalin inuu xuso mar walba. Bill Clinton oo ahaa madaxweynihii U,S ee sida aadku aay Carafaat isugu dhawaadeen ayaa ku tilmaamay Carafaat:
”An aging leader who lives with a victim mentality and is incapable of reaching a final peace agreement” Hogaamiya ku nool dareen dulmane ah , islamarkaana aan awoodi karina inuu galo heshiis nabadeed oo waara’.
Carafaat waa nin balaayada ku caano maala, oo waxuu awood u leeyahay inuu si sahlan ula qabsado dhibaatooyinka lasoo dersa, waxaa tusaale qurux badan u ah taas duruufaha uu ku noolayahay 20-kii bilood ee tegay iyo burburka baaba,a dhismaha uu kujiro, ayaa misana waxaa dadka ka yaabiya sida uusan u kala jeclayn isla markaana mar walba oo uu ka muuqdo TV-yada waxuu muujiyaa niyad bir ah waana midaas mida yuhuudu aay liqi la,ayihiin.
Waxaa la sheegaa in niyadaan birta ee carafaat aay salka ku hayso rumeysnaantiisa iyo ku dhaqankiisa diinta Islaamka, taasoo siinaysa awood iyo karti uu ku shaqeeyo,waxaa dadka aadka ugu dhoow Carafaat aay xaqiijiyen inuu Salaadaha joogto u tukado, islamarkaana uu isku arko ama isku haysto nin ku jooga raadkii saxaabada, islamarkaana u taagan halganka iyo soo celinta iyo dhowrista dhulka barakaysan ee Ambiyada Ilaahay markii Diyaaradu la qarxaysay ayaa la sheegay inuu afka ku hayay aayado quraan ah islamarkaana waxuu ku dhawaaqay “ Abu-Jihaadoow waan kugu soo biirayaa” abu-Jihaad waa hogaamiye falastiini ah oo sideetamaadkii yuhuudu shirqool ku dileen.
Xiligii uu qaahira ardayga ka ahaa carafaat waxuuu xubin ka noqday dhaqdhaqaaqii Ikhwaanul muslimiinka taasoo darteed mar loo xirey 1954. Carafaat waxuu aaminsan yahay in halganka falastiin uu yahay mid diinta salka ku haya isagoo marar badan daliilsada aayadoha quraanka ah ee ka hadlaya Barakada Qudus.
Waxyaabahaas oo dhan iyo waxyaalo kale oo farabadan marka la isku daro waxay muujinaysaa go,aanka Izreal aay uga hari-la,adahay Carafaat inaay tahay khatarta ninkaani ku yahay jiritaankeeda iyo kaalinta taariikhiga ah ee uu kaga jiro halganka reer falastiin, haday dishana waxuu noqon doonaa khasaaro ba,an iyo jab aan laga soo waaqsan oo lasoo gudboonaada halganka shacabka dhiban ee Falastiin.
|
SHEEKO NAXDINLEH
Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal laheyd. Waxaa ladhashey 3gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.
Aabahood wuxuu kashaqeyn jirey Dukaan si`uu uguhelo waxaay gabdhihiisa quutan iyo waxay labistaan.
Gabadhani waxay aheyd qof dadaal badan xaga duruusta schoolka .Waxay caan ku`aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay waxbarashada kubixinjirtey. Waxaay aheyd tusaale ay kudaydaan gabdhaha kale ee jaamacada dhigta.Marka lasoo gaabiya, waxaay kulansatey sifaadka fiican ee qof lagu sheego.
Sheekadaan oo aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu sheekha kusoo guuriyey sitoos ah hadalkii gabadha ayadoo kawaramasa wixii qabsadeyna waa tana:
Maalin maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya albaabka Jamacada ayaa waxaan arkey wiil dhalanyaro ah oo aad uqurux badan oo isoo fiiranaya sida qof iyaqaan. Dheg jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo cabsi igu jirta. Wuu isoo dabagalay isagoo igula hadlaya hadala aan wanaagsaneyn sida caruurta oo kale . Sida isaga oo igu lahaa:
qurux badan. Waan ku jeclahay.inaan kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan ayaan kuraadinaayey markii aan maqley akhlaaqdaada iyo wanaaga ay dadka kugu sheegayaan !
Waan ordey anigoo iska dhaga tiraya waxa uu igu akhrinayo waayo waligey ima soo marin arintaas oo kale.
Guriga ayaan tagey anigoo daalan oo layaaban arintan. Habeynkii oo dhan masaaxan.Waxaay igu noqotey yaab iyo amakaak!
Maalintii danbe markii aan kasoo baxey jaamacada ayaan kula kulmey hadana iridka isaga oo isugaya ii dhoola cadeynaya. Sidii sila`eg ayaan ugu cararey. Dhowr jeer ayuu sidaas oo kale isoo weerarey oo aan kacararaayey ilaa aan kacaado yeeshey arintii.
Arintii sidaas ayey kusocotey maalinkastaba isaga oo soo jaraya masaafa ilaa uu markii dambe iisoo dhigey waraaq albaabka guriga. Aad ayaan ugu shakiyey qaadisteeda haseyeeshe waan qaadey aniga oo ay gacanta igariireysa. Marka aan furey ee aan akhriyey waxaa kuqornaa hadalo xanbaarsan jaceyl iyo isaga oo kacudurdaaranaya wixii dhib ah ee uu ii geystey intii uu idabataagnaa.
Warqadii ayaan jeex-jeexay oo aan tuurey. Waxyar kadib ayaa waxaa soo dhacey telephone! Mise waa isagii .Wuxuu iweydiiyey inaan akhriyey waraaqda iyo inkale.
Haddii aad edebyeelanwaydo,waxaan usheegaya waalidkey waadna ogaan doontaa wixii kugudhaca Ayaan ugu caga jugleeyey.
Wax yar kadib ayuu kusoo celiyey telephonekii. Wuxuuna bilaabey inuu isukey sharxo. Wuxuu iisheegey inuusan xumaan ila dooneynin ee uu rabo inuu iguursado. Wuxuu igadhaadhiciyey inuu yahey nin hantileh. Wuxuu balan qackusiiyey inuu dhisidoona daarta uguweyn magaalada oo aan aniga ahey Amiirada kali ee degidoonta iyo inuu isiindoona wax alle iyo wixii aan ubaahda ee aduunyo ah. Wuxuu intaas kudarey inuu yahey qofka kale ee kaharey reerkooda ee nool manta oo aysanjirin cid kuheysato hantidaas faraha badan ee uu haysto oo waxa kamaqan aytahey xaas wanaagsan oo edebleh sideyda oo kale.
Sharaxaad dheer kadib waan uqalbijelcay. Waxaana bilaabey inaan kadhageysta sheekada marka uu soo diro telephonada. Waxaan is arkey anigoo kasugaya telephone maalinkasta oo haddii uu soo diriwaayo murugooda. Iyo inaan sugo marka aan kasoo baxa jaamacada bal inaan arko ninka ii balanqaadey mustaqbalka rajada wanaagsan.
Maalin anigoo kasoo baxay jaamacada ayaan kula kulmey albaabka isaga oo taagan. markaas ayaan kala bad-batey farxad. Waxaan bilaabey inaan gaarigiisa lafuulo oo aan kusoo wareegna magaalada anagoo sheekeysaneyna.
Marka aan lajooga,waxaan noqdey sidii qof aan laheyn Ikhtiyaar sida uu ii hantey awgeed. Awood umalaheyn inaan is weydiyo sababta aan ula socdo. Waxaad mooda inuu iga siibey wadnaha.
Waxaan bilaabey inaan rumeysto dhamaan hadaladiisa gaar ahaan marka uu iguyirahdo waxaad tahey xaaskeyga mustaqbalka dhow. Daar weyn ayaan kuu taagaya. Dunida oo dhan baan kudabaalsiinaya. Dadna waa adiga oo kali
Maalinmaalmaha kamid ah(Maalin madow) ayuu burburiyey noolasheydii sidey udhameyd! Wuxuuna igu ceebeyey Ummada horteeda!
Sidii caadada aheyd ayaan islabaxney oo aan is raacney. Wuxuu igeeyey guri aad loo qurxiyey oo sifiican loo gogley. Waana is garab fariisaney anagoo is eeg-eegeyna. Waxaan hilmaamey Xadiithkii Nabiga Salallahu Aleyhi Wasalam ee uu nooga digey inaay nin iyo naag ajnabi kala ah meel cidla`ah wada fariistaan! Waxaan bilaawney inaan eegaya oo uu isagana i eegaya ilaa aan is arkey anigoo hoos jiifa! Waxaan arkey anigoo gacan kuheynin wixii aan lahaa wixii ugu qaalisanaa! Waxaan soo kacay sidii anigoo waalan markaas ayaan ku iri: maxaad igu sameyneysaa? Hacabsan!Waxaad tahey xaaskeyga? Sideen xaaskaada kunoqdey adigoon imahersan? Ayaan kucalancaley! Waan kumahersandoona mardhow! Ayuu iigu laabqaboojiyey!
Guriga ayaan aadey anigoo murugeysan;lugaha qaadila`a oo ooynaya! . Waxaa igushidmey dab jirka oo dhan. Gabalkii ayaa ii ayaa igu madoobaadey! Waxaan bilaabey inaan habeyn iyo maalin ooyo. Waxaan katagey waxbarashadii.Xaaladeydii ayaa sii xumaatey! Qoyskanigii ayaa igu wareerey ayagoo layaaban waxa igu dhacey!
Waxaanse isku samirsiiyey arintii uu ii balanqaadey ee guurka aheyd inuu fulindoona.Waqtigii ayaa dheeraadey ayadoo habeynka iyo maalinta ay iiga culustahey buuraha.Tolow maxaa kuxigidoona!
Waa tana balaayo kale oo kadaran tii hore! Telephone ayaa soo dhacey!Waa isagii oo aad mooda codkiisa inuu kasoo hadlaya meel fog. Waxaan rabaa inaan kulano oo aan kawada hadalno arin muhiim ah Ayuu iguyiri. Aad ayaan ufarxey anigoo uheysta inuu doonaya inuu nikaax sameynayo iyo aroos waliba!
Waxaan utagey isagoo aad moodo sheydaan wuxuuna igu yiri: Waxaan kugu bishaareeynaya inaadan iga sugin wax guur ah waliga!Waxaan rabaa inaan kuwada noolaano sidaas Dharbaaxo ayaan kaga soo qaadey ay indhuhu lasoo dhicigaareen! Waxaana usheegey inuuyahey nin akhlaaq laabe ah oo mustaqbal dooneynin.Waana katagey anigoo ooynaya!
Waxyar isug!Ayuu igu yiri. Waxaa gacanta ugujira Cajalad Video ah. Wuxuuna igu yiri sijees jees ah: Taas ayaan kuburburinaya noolashaada Maxaa kuduuban Ayaan weydiyey. Kaaley oo arag waxa kuduuban. Waxaay kugu noqondoontaa layaab Ayuu igu yiri.
Waan raacey si`aan usoo arko waxa kuduuban.Waxaan ku arkey dhamaan Faaxisho ahaa ee nadhexmarey markii aan guriga joogney! Maxaad sameysey Yaa Thaalim? Camera ayaa guriga galiyey oo duubtey.Cajaladaan ayaan kuu heystaa oo aan kugu burburinaya haddii aad diidid waxa aan rabo!
Qayli iyo oohin horleh ayaan iskudarey waayo ceebtu waxaay ugudubtey qoyskayaga.
Arintii waxay kudhamaatey inaan ninkii unoqdo laheyste(Asiiraha) oo sida uu doona ii maamusha habeyn iyo maalin.Sifiican ayaan udabaashey.Waxaan kawareegey noolashii sharafta laheyd waxaana kuwareegey dumarka nooca liita. Qoyskayagana war umahayaan waxa dhacaya.
Cajaladii ayaa faaftey.Waxaay gacanta ugashey ina adeerkey. Arintii ayaa laba qaraxdey. Waxaa kawarheley waalidkey iyo dhamaan reerkayagii oo dhan.Waxaay usii gudubtey ceebtii oo ay qaadatey dhamaan magaaladii oo dhan. Gurigayagii waxa hareeyey ceeb.Waan dhuuntey si`aan ubadbaadiyo nafteyda.
Waxaa sidoo kale magaaladii kacararey dhamaan qoyskayagii oo dhan haseyeeshey ceebtiina kamaharin ee waa laguurtey.Waxay noqotey arintii midlooga sheekeysta majaalista. Cajaladii ayaa sii fidey oo gacanta ugashey shabaabka magaalada.
Waxaan kubiirey dumarka jirkooda kaganacsado anigoo murugeysan.Ninkaan wuxuu horey usoo baleeyey gabdho kale oo sideyda oo kale kaduufsadey schoolka. Waxaan go`aansadey inaan ka aargoosta oo aan kusameeya mid kaxun tuu igudhigey.
Maalin ayuu ii soo galey isagoo aad ucabsan.Waxaan u degdegey inaan kafaa`ideysto jaaniskaan. Waxaan caloosha kagaliyey toorey! Halkaas ayaan kudiley Insaan-shaydaankii. Waxaan kagaraaxeeyey dadkii uu dhibilahaa gadaashey!.
Waxaan uqorey sheekadaan si`aay ugunoqoto waano gabdhaha yaryar ee soo kacaya si`aysan ugukadsoomin hadalada jilicsan ee ay raga kusiraan dumarka.
Waxaan kusoo hordhigey sawir kaamil ah sidii aan uburburiyey noolasheydii iyo tii qoyskayaga.
Aabahey wuu dhintey isagoo kucalcelinaya: XASBIYA ALLAH WANICMALWAKIIL! ANAA QADBAAN ALEYKI ILAA YOWMUL QIYAAMAHA MAA ASCABAHAA MINKALIMAHA.
Allah na astura waayo haddii usan na`asturin kuligeen waxaan nahey ceeb socoto.
Salaamulahi aleykum?
waxaa qoray cabdi raxiin abuubakar axmed(curwo)
|
Yaasir Carafaat
|
Ururka Xoraynta Reer Falastiin(PLO).
Dagaalkii ka dhacay Karaama sannadkii 1968kii ka dib ayaa Yaasir Carafaat loo doortay in uu hogaamiyo Ururka Xoraynta Reer Falastiin ee (PLO) kaas oo ay aasaastay jaamacda carabtu sannadkii 1965kii.
Waxayna xarun ka dhigteen Ciidamadii ururka xorynta Reer Falastii dalka Urdun, hasa yeeshee waxaa markii danbe ka saaray Boqorkii Dalka Urdun Boqor Xuseen Bishii 7/1970 kii iyada oo uu halkaas dagaal qadhaadh ku dhex maray Falastiiniyiinta Iyo Ciidamada Dalka Urdun, Taariikhdaas oo loo yaqaano (luulyadii Madoobayd).
Yaasir Carafaat iyo Ciidamadiisii Hubaysana waxay u soo wareegeen Dalka Lubnaan gaar ahaan magaalada Bayruut, intii ay ciidamada falasttinyiintu u soo wareegeen dalka Lubnaan waxay fuliyeen dhaqdhaqaaqyo hubaysan, oo isugu jira qaraxyo, diyaaradaha oo la afduubo, iyo Khaarajin, waxaana ugu caansanayd talaabooyinkii ay qaadeen falastiiniyiintu markii ay afduubeen 11 Isaa’iiliyiin ah oo ka qayb galayey ciyaarihii olbikadii sannadkii 1972 kii xilligaas oo ay ka dhacaysay dalka jarmalka.
Yaasir Carafaat wuxuu awood dublumaasiyeed yeeshay sannadkii 1974kii xilligaas, wuxuuna khudbada ka jeediyey golaha loodhan yahay ee qaramada midoobay ee New York isaga oo halkaas ka yidhi “ Waxaan Halkan imi aniga oo wada Caleen nabadeed iyo Qorigaygii” wuxuuna intaas ku daray “ Ha ogolaanina in ay Caleenta Nabadeed Gacantayda ka dhacdo”.
Xilliyadii todobaataneeyaadkii waxaa sii kordhaysay awooda siyaasadeed iyo ciidan ee ay Falastiiniyiintu ku yeelanayaan dalka Lubnaan, waxayna weerarada ku ekeen jireen urarada Falastiiniyiintu Isaar’iil iyaga oo ka duulaya dalka Lunbaan.
Sannadkii 1982 ayaa Aryel Sharon oo xilligaas ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Istraa’iil waareer culus ku ekeeyey dalka Lubnaan isaga oo qabsaday qaybo ka mid ah Magaalada Bayruut arrintaas oo ku khasabtay Yaasir Caraafat In uu Ka baxo Lubnaan una kaco dalka Tuunisya, intii uu sugnaa Yaasir Carafaat dalka Tuunisiya waxa la soo gudboonaatay arrimo badan oo ay ka mid tahay ilaalinta midnimada Ururkii PLO, iyo go’doon siyaasadeed oo uu kala kulmay dunida markii uu ka fogaaday dalkiisii, hasayeeshee waxaa go’doonkaasi soo afjarmay markii ay Falastiiniyiintu sannaadkii 1987kii bilaabeen kacdoonkii shacbiyeysanaa ee ka qarxay Daanta galbeed iyo Marinka qasa, dhacadaas oo Yaasir Carafaat marlabaad Hogaamiye-nnimadiis soo celisay, iyo awoodiisii siyaasadeed.
Mahmoud Abbas
In kasta oo uu Yaasir Carafaat Noloshiisa badankeeda ku soo qaatay Doobnimo oo aanu Guursan ayuu sannadkii 1992 isaga oo 62 sanno jira wuxuu guursaday Gabadh iyadu Xog-hayntiisa ahayd laguna magacaabo Suhaa Al-Dawiil, gabadhaas oo ka soo jeeda reer diinta kiristaanka ah haystay hasa yeeshee iyadu Islaamtay markay Yaasir Guursatay, waxayna u dhashay Gabadh lagu magacaabo Zahwah.
Saacado ka dib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay dhimashada Yasir Arafat, waxaa hoggaanka ururka PLO loo magacaabay Mahmoud Abbas, waxa lagu wadaa in 60 maalmood gudohood ay guddiga PLO qaban doonaan doorasho ay si rasmi ah ugu soo dooran doonaan qofkii si rasmi ah u bedeli lahaa hoggaamiyohoodii Yasir Arafat ee geeriyoodey.
Isreal Maxaa ku kalifay inay ku fekerto Dilka Yaasir Carafaat?
Waxaa bishii ina weydaartay dowlada Izreal aay cadaysatay markii ugu horeysay tan iyo intii aay bilwodeen wadahadaladii falastiiniyiinta iyo yuhuuda 1990. inay ka go,an tahay inay ka takhalusto Yaasir Carafaat, go,aankaan oo wasiirka difaaca uu ku adkeystay in Carafaat qoraxda laga qariyo.
Yaasir Carafaat oo iminka mudo 20 bilood ah ku jira xaruntiisa Ramallah halkaas oo aay Izreal ku go,odoomisay dhaqdhaqaaqiisa.
Hadaba waxaa is weydiin mudan Yaasir Carafaat yuhuudu maxay colaada intaas le,eg ugu haysaa, maxaa sababay cuqdadaan aan dhamaadka lahayn ee mujtamaca yuhuudu iyo dowlada Izreal aay ka qabaan ninkaan cimaadada madaxa ku wata ee aan wax quwad oo uu iskaga caabiyo aan haysan,si aad u ogaato yuhuudu sababta aay ninkaan uga hari la,a yihiin, waxaad ila eegtaa taariikhda ninkaan oo kooban iyo dabeecadihiisa.
Waatan taariikh kooban oo ku saabsan noloshiisa bulshonimo,siyaasadeed,iyo mida qofeed ee hogaamiyahan lagu tilaamo kuwo ugu taarikhda iyo magaca dheer dunida maanta.
Mohammed Abdel-Raouf Arafat As Qudwa al-Hussaeini (Yasser Arafat) waxa uu dhashay 24 August 1929, waxana uu ku dhashay magaalada Qaahira (Cairo)
Carafaat waxaa uu dhashay 1929, hooyadiis waxay dhimatay isagoo jira 4 sano, kadib waxaa uu la noolaa adeerkiis oo deganaa magaalada Qudus,aabihiis iyo walaaliliis waxaay markaas deganaayeen Qaahira Aabihiis waxa uu ahaa ganacsade dharka ka mushtara,aabihiisna waxuu geeriyooday isagoo kurey ah, Carafaat yaraantisii laga soo bilaabo waxuu ahaa nin kaligiis isku tashada, islamarkaana soo barbaarshay naftiisa inkastoo uusan marna ilaaweyn aadna u qadiriyo gacantii iyo xanaanadii uu ka heli jiray yaraantiisii walaashiisa ka weyn Anam taasoo dhawaan markii aay geeriyootay bishii tagtay Carafaat murugodiisa laga arkayay TV-yada,Anam waxay dhashay ninka Falastiniyiinta u fadhiya U.N-ta ee la dhaho Naasir AL-qudwa, Carafaat-na abti ayuu u yahay.
Carafaat waxaa shahaado Engineering ah uu ka qaatay Jaamacada Qaahira,waxaana uu xili hore oo ka mid ah dhalinyaranimadiisa bilaabay inuu xubin firfircoon ka noqdo dhaqdhaqaaqa Falastiniyiinta ee gobonimo doonka .
Carafaat waxaa uu ku jiraa todobaatameeyadii cimrigiisa , waxaa uu Ilaahay ku manaystay caafimaad buuxa,waxaana taas loo tiiriyaa inuusan lahayn wax balwad ah haday ahaan lahayd sigaar, khamri iyo wax kale midna,waxaana la sheegaa inuu aad ugu adag yahay arimaha caafimaadkiisa isagoo aad ula socda miisaankiisa iyo isbedelka caafimaadkiisa, sameeyana jimicsiyo joogto ah, khatartii ugu weyneyd ee ku timid caafimaadkiisa waxay ahayd markii diyaaradu kula dhacday lama degaanka Liibiya xiligaas oo qaliin looga sameeyay dhiig ku furmay madaxa, shilkaas ka dib waxaa la sheegaa in caafimaadkiisa wax iska bedeleen iyadoo lagu arkay daal uusan lahaan jirin,iyo laleemo gashay mishintiisa hoose .Carafaat waxaa uu marar badan beeniyay warar sheegayay inuu dhowr jeer coma galay iyo in awoodiisa aay gabaabsi tahay caafimaad daro awgeed. madaxda falastiiniyiinta qaarkood ayaa ku eedeeyay Izreal inay faafiso warar aan sal lahayn oo ku saabsan hogaamiyahooda caafimaadkiisa.
inkastoo cimri iyo caafimaad daroba ka dabo timid Carafaat weli ma ogola inuu sheego cida uu ugu talagalay inay ka dhaxasho hogaanka falastiin,guud ahaan waxaa la oran karaa carafaat waxuu uu ku noolyahay caafimaad jismi iyo mid miskaxeedba marka la eego dhibka iyo qaxarka siyaasadeed ee uu soo maray.
Carafaat waxaa dadka noloshiisa wax ka qorey oo dhami aay isku raaceen inuu dhamaan noloshiiisa u hibeeyay qadiyada falastiin isagoo ilaaway noloshiisa shakhsiga ahayd, guurka kaliya ee uu guursaday waxuu dhacay 1990,isagoo xiligaas jiray 62 ayuu guursaday Suah oo ah gabadh ka dhalatay qoys hodan ah ,oo Kirishtaan ah degana Ramallah xiligaas waxay jirtay gabadhaasi 34 sano,gabadhaani waxay mudo ka shaqaynaysay xafiiskii Carafaat ku lahaa Tunis xiligii dibad wareega uu ahaa,gabadhaani markii uu guursanayay ayay soo gashay diinta Islaamka,dhawaana waxay xaj u tagtay dhulka barakaysan ee Makka.
Inkastoo oo carafaat uu doobnimo ku qaatay inta badan noloshiisa ayaa hadana guurkiisa waxaa la sheegaa inuusan waxba ka badalin qaabkiisa shaqo iyo jadwal-maalmeedkiisa midna isagoo weli u shaqeeya sidii looga bartay , waqtigiisa oo dhamina waa buuxaa,isagoo aan wax waqti ah u qoyndeyn xaaskiisa iyo gabadhiisa yar midna, waxaa mar laga sheegay xaaskiisa inay tiri gabadheeda aabaheed waxay badiyaa ka aragtaa TV-da iyo sawiradiisa oo aay daawato.
Carafaat waa nin shaqo,waxaana aay dadka yaqaanaa ku tilmaameen inusan xamili karin firaaqada, waxaa laga soo xigtay isagoo ka hadlaya arintaan" markaanan wax aan qabto waayo waxaan dareemaa daal iyo caajis ama niyad-jab"waxaa uu caan ku ahaa ilaa dhalinyarinimadiisii nin firfircoon walaashiisa weyn ayaa ku tilmaantay sidaan" laga bilaabo markii uu kasoo baxay riximka hooyadiis waxuu ahaa hormoodka caruurta xaafada,isagoo u qeybin jirey kooxo islamrkaana ul-u qaadan jirey kuwo ka weecda amaradiisa" Carafaat waxay aay ku tilmaamen dadka barta cilmi-nafsigu inuu yahay "Hyperactive " ama firfircooni xadka dhaaaftay iyo quwad-shaqo oo mucjiso ah. waxaa taas laga akhrisan karaa safarada aan kala go,a lahayn ee uu geli jirey xiligii uu dibada ka joogay dalkiisa.
Carafaat ma ogola in cidina aay u taliso,aad ayuu uga didaa ugana feejigan yahay madaxbanaanidiisa in lagu qabsado waxuu taas isagoo ka hadlaya yiri “ waxaan ahay madaxweyne aan dhul iyo madaxbanAANI midna haysan marka xoriyadeyda iyo madaxbanaanideyga qof ahaaneed ma ogoli in iyadana la igu qabsado”,dabeecadaan ayaa ah miduu ilaa yaraantisii dhaqan u ahayd,,carafaat ma aqbalo in aay cidina ka takhantakhayso afkaartiisa, cidna wax uma oga .xitaa marka laga tago arimaha siyaasada arimahiisa khaaska ah xitaa ma ogola in aay cidi faraha la gasho,tusaale ahaan xaaskiisa ayaa sheegtay inuu sharaabada uu isagu gashado guluusyada uu isagu xirto xitaa marar badan oo aay isku dayday inay ku caawiso inuu ku gacan sayray oo uu ku adkaystay inuu arimihiisa isagu qabsanayo noloshiisa oo dhamina waa sidaas.
Carafaat waxaa uu ku dhaqmaa shaki uu ka qabo cadowga iyo saaxiibada labadaba, isagoo aan arimihiisa cidna gacanta u wada galin,islamarkaana ajendayaashiisa dagaal badiyaa qariya,taas waxaa aad looga dareemaa safaradiisa oo daqiiqada ugu danbeysa ayuu wargeliyaa meesha uu u safrayo,waxaa la sheegaa inuu waardiyaashiisa uu isagu kala habeeyo oo uusan cid ku halayn.
Carafaat waxuu isku arkaa dad badana oo dunidan ku dhaqanina u arkaan inuu yahay sumada halganka reer falastiin, waxuuna taas ku muujiyaa muuqaalkiisa sida labiskiisa iyo duubka wareegsan ee uu caadada ka dhigtay inuu xirto,iyo labiska malateri iyo biskoolada uusan dhigin,marar badan oo waraysiyo lagu waydiiyay waxyaalo xiriira labiskisa carafaat kama bixin jawaab cad,waxuuna sheegaa inuusan waqti u hayn waxyaalahas licib-siqiirka waayo waxuu mashquul ku yahay qadiyada dadkiisa, labiska ciidanka waxuu kumacneeyaa inuu yahay taliyaha xoogaga hubeysan ee reer falastiin,waxaa laga soo xigtay Caraafaat inuu ku yiri Ronald Reagan " Hadaad wadan iyo dhul isiiso diyaar ayaan u ahay inaan suut xirto iyo taay".
Carafaat waxaa uu kaga duwan yahay madaxda aduunka inuusan lahayn wax hiyaawad ah haday noqon lahayd safaro dalxiis iyo tamashle loogu baxo, waxyaalo la akhriyo ama ciyaaro la sameeyo nooceey doonaan ha noqdaane,ma booqdo goobaha cawaysyada , ma daawado filimaanta,ma daawada xitaa meelaha quruxda badan ee dalxiisyada loo tago. waxa kaliya ee uuu akhriyaa waa waxa la xiriira shaqadiisa, waxaa halkaas ka muuqata in Carafaat uu noloshiisa gaarka ahayd ku milay midii caamka ahayd islamarkaana aay kafadii u dhacday in mida caamka aay haraysay tiisii khaaska ahayd.
Carafaat waxaa lagu tilmaama nin sharafta naftiisa aan u ogalayn in la siigeeyo,isagoo aaysan waxba ku ahayn inuu baajiyo howlo waawayn oo siyaasadeed hadii uu arko in sharaftiisa lagu dhaawacayo,wax walba uu qabanayo dareenka iyo xushmada loo hayo , inuu yahay halyeyga falastiin,ruug-cadaa siyaasadeed ee bariga dhexe , waa inaan lagu haysan , haduu uu dareemo mid ka mid koofiyadahaas in aan loo ogoleyn waa ka dhiidhiyaa, isagoo isku dhexyaaciya dhamaan waraaqaha oo dhan .
dabeecadaha ugu layaabka badan Carafaat leeyahay waa inuusan weligiis is-dhiibin wax walba oo ku yimaada,mar walba oo aay la soo gudboonaato duruufo qalafsani waxuu kusii dhegaa qadiyadiisa iyo hadafkiisa weyn,isagoo la jaanqaada waayaha iyo waciyaga,waxaa uu ka badbaaday masiibooyin badan iyo mixnado siyaasadeed oo aan lasoo koobi karin,waxaa uu usoo joogay markii Boqor Xuseenkii Urdun uu soo jafay dhamaan kooxihii reer falastiin ee Urdun ka waday halganka Yuhuuda ay kula jireen,waxaa uu indhaha u hayay markii 1982 aay Izreal cagta marisay xoogagiisu xarumahii aay ku lahaayeen Lubnaan halkaasoo yuhuudu ku xasuuqday Sabra and Shatilla dad gaaraya 5000 oo qof,waxaa uu u ruqaansaday Tuunisiya halkaas qudhigeeda waxuu ka badbaaday shirqoolo dil oo aan xisaab lahayn kuwaasoo uga yimid dhinaca Yuhuuda iyo Kooxo falastiin ah oo siyaasada aay ku kala tageen,waxaa xigay dhul-gariirkii siyaasadeed ee kasoo gaartay tageeradii ee uu u fidiyay Sadaam dagaalkii Khaliijka,midaan oo uu ku waayay dhaqaalihii wadamada khaliijku aay siin jireen Carafaat iyo PLO-diisa, masiiboyinkaas oo dhan iyo kuwa ciidaas ka badan oo lasoo gudboonaaday cimrigiisa siyaasadeed ,kuwaasoo lahubo inay mooraduugi lahaayeen siyaasi ama hogaamiye kale oo kasta mustaqbalkiisa ama xirfadiisa siyaasadeed Carafaat waa kasoo kabtay mid walbana waxuu kasoo baxay isagoo diyaar u ah inuu halgankiisa meeshii ka sii wado, mid walbana waa dabaashay.
Arafat: shacabka reer Falastiin ayaa dhibaatada ugu weyni kasoo gaareysaa dagaalka Guji halkan...
Carafaat waxaa Ilaahay ku manaysto hal-adayg iyo karti uu u leeyahay inuu mar walba hore u ruqaansado, iyo inuu mar walba ku adag yahay himiladiisa weliba si quus-la,aan ah,taasoo ka dhigaysa nin aad u adkaysi badan,isla markaana shacabkiisa mar walba galisa rajo nololeed,iyo yididiilo wanaagsan,waana midaas tan wadooyinka falastiin aaysan marna Carafaat u ilaaweyn..dhaqamadaani waxay u suuragaliyeen ninkaan si walba uu khaladaad iyo mucarad u leeyahay hadana marna inaan cidina ku damaacin inuu yahay Hogaamiyaha reer falastiin guud ahaan,Carafaat waxuu diyaar u yahay inuu u dhinto qadayadiisa,taasoo ka dhigaysa nin aan sinaba uga biqin in dilo “ Naftayda ilaahay baa gacanta ku haya “ ayaa hal-ku dhig u ah,,waxuu badiyaa xusaa dadka reer falastiin ee dhiigooda u hurey qadiyada dhulka barakaysan, isagoo qiiro inta qaado mar walba oo uu soo hadal qaado ku dhaarta inuu wadadooda marayo, waxaa marar badan muraayadaha TV-yada laga arkay Carafaat oo markuu soo hadal qaado mixnada haysata shacabkiisa aay ilmadu soo dhaafto,xitaa Carafaat waxuusan qarsan sida uu ugu raaxaysto qaraxyada naf-hurnimada ah ee ay sameeyaan Xamas iyo Islamic Jihaad iyo weliba xoogaga Al-Fatax waxaa mar laga soo xigtay isagoo leh" waa inaan xurmeynaa nafaha daahirka ah ee u hurey naftooda qadiyada dhulka barakaysan,geesiyaashaas gaar ahaan Yaxya Cayaash,ujeedadeeni waa inaan raacno wadadooda, dhamaanteena waxaan u sharaxanahay inaan nafteena u hurno,una dhimano dhulka barakaysan"
Carafaat waxay ku tilmaamaan dadka darsaa nin ku shaqeeya ahdaaf istiraatiiji ah oo isla markaana aan marna ka weecinin fekerka istiraatiijiyada(Strategic though and long term planing) isagoo ujeedooyinka iyo yoolkiisu aay u cad yihiin,isla markaana si xarfad leh uga faaiideysta dhamaan wadoyinka u furan, waxuu u garaabaa tabartiisa oo xaqiiqada kama boodo, tusaale ahaan markuu waanwaanta nabadeed la galay izreal 1991-kii waxuu xariiqday khadad cascas oo lama dhaafaan ah,kuwaasoo uu diiday inuu sinaba uga gudbo(Caasimadnimada Qudus, soo noqoshada Qaxootiga reer falastiin iwm),carafaat yuhuuda waxuu kula dhaqmaa siyaasad ah inuusan wax la taabtana uga tanaasulin,wax alaale waxii uu xuquuq kasoo dhacsan karana inuu kasoo dhacsado,waxuu qabaa in wadahadalka nabada iyo kacdoonka hubeysani aay iskaabayaan, labaduba aay u adeegayaan soo dhicinta xuquuqda dadkisa,waxuuna dhiirigaliyaa marar badan falalka Xamas si uu cadaadis ugu saaro Yuhuuda miiska wadahadalada,inkastoo sababo diplomaasiyadeed dartood aay suurowdo inuu canbaareeyo falalka lagula kaco yuhuuda hadaba marna kama tago inuu eedo dusha uga tuuro taliska izreal.
Carafaat madaxda carabta badiyaa kuma aamin qabo waayo waxuu aaminsan yahay inay hagradeen qadiyada dadkiisa islamarkaana aay cadow ku fiirsadeen inkastoo uusan wax u dhaama haysan hadana xanuun iyo cuqdad ayuu u qabaa madaxda carbeed weliba kuwa xuduuda la leh dhulka falastiin ee yuhuudu haysato,waxuusan miisaan weyn siin Boqorka Urdun King.Abdalah II, iyo Dr.Bashaar Al-asadka suuriya oo labadaba uu arko wiilal yarayar oo aabayaashood aay siyaasada isku fac ku ahaayeen
Waxaa la sheegaa in ninka kaliya ee madaxweyne carbeed ah ee Yaasir Carafaat saameeya ama uu qadariyaa uu yahay Xusni Mubaaraka Masar, kaasoo uu marar badan dhegta u raariciyo, waxaa kale oo Carafaat caadifad u hayay Sadaam Xuseenkii Ciraaq.
Carafaat waxuu ku dadaalay inuu mowqifka qaloocan ee Maraykan ee ku aadan qadiyada dadkiisa wax ka bedalo kumase guuleysan,waxuu markaas bilaabay inuusan arinta Falastiin iyo Yuhuuda aan U.S kaliya lagu deyn isagoo mar walba door-bida in Yurubta,Qaramada Midoobay ,iyo Ruushka aaysan lugta kala bixin howlaha dhexdhexaadinta taasoo uusan ka daalin inuu xuso mar walba. Bill Clinton oo ahaa madaxweynihii U,S ee sida aadku aay Carafaat isugu dhawaadeen ayaa ku tilmaamay Carafaat:
”An aging leader who lives with a victim mentality and is incapable of reaching a final peace agreement” Hogaamiya ku nool dareen dulmane ah , islamarkaana aan awoodi karina inuu galo heshiis nabadeed oo waara’.
Carafaat waa nin balaayada ku caano maala, oo waxuu awood u leeyahay inuu si sahlan ula qabsado dhibaatooyinka lasoo dersa, waxaa tusaale qurux badan u ah taas duruufaha uu ku noolayahay 20-kii bilood ee tegay iyo burburka baaba,a dhismaha uu kujiro, ayaa misana waxaa dadka ka yaabiya sida uusan u kala jeclayn isla markaana mar walba oo uu ka muuqdo TV-yada waxuu muujiyaa niyad bir ah waana midaas mida yuhuudu aay liqi la,ayihiin.
Waxaa la sheegaa in niyadaan birta ee carafaat aay salka ku hayso rumeysnaantiisa iyo ku dhaqankiisa diinta Islaamka, taasoo siinaysa awood iyo karti uu ku shaqeeyo,waxaa dadka aadka ugu dhoow Carafaat aay xaqiijiyen inuu Salaadaha joogto u tukado, islamarkaana uu isku arko ama isku haysto nin ku jooga raadkii saxaabada, islamarkaana u taagan halganka iyo soo celinta iyo dhowrista dhulka barakaysan ee Ambiyada Ilaahay markii Diyaaradu la qarxaysay ayaa la sheegay inuu afka ku hayay aayado quraan ah islamarkaana waxuu ku dhawaaqay “ Abu-Jihaadoow waan kugu soo biirayaa” abu-Jihaad waa hogaamiye falastiini ah oo sideetamaadkii yuhuudu shirqool ku dileen.
Xiligii uu qaahira ardayga ka ahaa carafaat waxuuu xubin ka noqday dhaqdhaqaaqii Ikhwaanul muslimiinka taasoo darteed mar loo xirey 1954. Carafaat waxuu aaminsan yahay in halganka falastiin uu yahay mid diinta salka ku haya isagoo marar badan daliilsada aayadoha quraanka ah ee ka hadlaya Barakada Qudus.
Waxyaabahaas oo dhan iyo waxyaalo kale oo farabadan marka la isku daro waxay muujinaysaa go,aanka Izreal aay uga hari-la,adahay Carafaat inaay tahay khatarta ninkaani ku yahay jiritaankeeda iyo kaalinta taariikhiga ah ee uu kaga jiro halganka reer falastiin, haday dishana waxuu noqon doonaa khasaaro ba,an iyo jab aan laga soo waaqsan oo lasoo gudboonaada halganka shacabka dhiban ee Falastiin.
Aaskii Yaser Arafat ee Ramalah iyo Soomaalida oo ka Qayb gashay Tacsidiisii...
Madaxwaynahii geeriyooday ee Falastiin Yaasir Carafaad ayaa Tacsi iyo xus qarameed dad bani kasoo qayb galeen subaxnimadii Jimcihii loogu dhigay magaalada Qaahira ka hor inta aan lagu aasin Raamalaah.
Madaxwaynayaal, Boqoro, Amiiro, salaadiin iyo mas'uuliyiin ka kala socda in ka badan 40 dal oo caalamka ah ayaa kasoo qayb galay xusukan oo lagu qabtay masjidka Jalaa'a ee ciidamada cirka dalkan Masar oo ku yaala xaafadda Masr jadiida, halkaas oo ay Sh.Al-Azhar sh.Maxamed Sayid Dhandhawi iyo dad kale kula dukadeen mayda Carafaad ka hor inta aan laga duulin garoon milatari oo goobtaas dhowr boqol oo mitir u jiray.
----------------------------------------------------
Madaxwaynaha Soomaliya mudane C/llahi Yusuf Axmed iyo wafdigiisa oo haatan ku sugan Qaahira ayaa ka mid ahaa wufuudii ka qayb gashay tacsida Madaxwayne Yasir Carafaad, iyadoo sidoo kale Madaxwaynayaashii Carbeed ee goobtaas isugu tagtay ay ka mid ahaayeen Madaxwaynayaasha Suuriya Bashaar Al-asad, Yeman Cali C/llahi Saalix, Boqor C/lahi Urdun, Suudaan Cumar xasan Al-bashiir, Al-jeeriya C/casiis Butafliiqa, Zaynu caabidiinka Tunis iyo ninka leh dhaxalka boqotooyada Suudiga Amiir C/llahi Binu C/casis Aala- Sucuud.
Waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madax caalami ah oo ka kala socda wadamada Afrika,wadamada dhexdhexaadka iyo shakhsiyaad ka socda hay,adaha caalamiga.
Carafaad ayey madaxdaas aragtidii ugu dambeesay la raaceen markii lagasoo dajiyay gaarigii siday waxaana inta aan la saarin diyaaradii u duulin lahayd Cariish loo tumay heesta calanka Falastiin ee Bilaadii Bilaadii...iyadoo halkaas ku ilmaynayeen gabadhiisa Zahwa Carafaad oo ehel ahaan ku wehliyeen Suha Carafaad oo ah garoobtii uu ka geeriyooday Carafaad iyo walaashiid.
meydkii Arafat markii la keenay Ramalah | Sawirka Aljazeera.
Saacado yar kadib naxashkii Carafaad oo Cariish lagaga qaaday mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga ukaca ayaa laga dajiyay Raamalaah halkaas oo dadkii isugu soo baxay awgeed mudo 30 daqiiqo ka badan ku qaaday ragga amniga in maydka diraadda laga soo dajiyo si loogu aaso qabri ku meel gaar ah oo carafaad looga sameeyay xaruntiisa Raamalaah .
Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Carafaad si rasmi loogu aasidoono Qudus marka ay duruufta saamaxdo, Carafaad ayaa ku taamayey in lagu aaso magaalada Yuhuudu haysato ee Qudus.
Abuu Camaar ayaa khamiistii ku geeriyooday Isbitaalka perci ee magaalada Paris halkaas uu mudo laba todobaad ah la jiifay xanuun aan ilaa hadda la shaacin,waxuuna ku xijaabtay da,dii 75-naad.
Falatiiniyiinta ayaa Ruuxi fatuux si kmg ah ugu doortay madaxwaynaha Falastiin halka ururka PLO madax looga dhigay Cabaas Abuu maazin iyadoo xukuumadda Falastiinna R/wazaare ka yahay Axmed Qurai.
Dhanka kale Madaxwaynaha Maraykanka G.Bush iyo R/wazaaraha Ingiriiska T.Bleir oo shir jaraa,id si wada jir galabtii jimcihii ugu qabray Washington ayaa soo qaaday arinta Falastiin.
Madaxwayne Bush ayaa sheegay in uu rajeenayo in dowlad Falastiin ka dhalato inta aanu xafiiska ka tagin 2009-ka isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay isbedel kusoo kordho xaaladda B/dhexe.
Sidoo kale golaha amaanka ayaa shir deg deg ah isugu yimid si looga wada hadlo arin Falastiin isagoo uu halkaas kala hadlay X/guud ee Q/midoobay K.anan.
|
|